Magacyada xubnaha guddiga shaqaaleysiinaya saraakiisha IEBC oo baarlamaanka loo gudbiyay

0
362

Waxaa baarlamaanka loo gudbiyay magacyada xubnaha guddiga ka shaqeyn doono in la howlgeliyo saraakiisha sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee IEBC.
Shakhsiyaadkan oo ah 9 qof ayaa haysta saddex bilood oo ay ku soo gabagabeynayaan howsha loo igmaday si saraakiisha la soo xusho loogu bandhigo madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxay xubnahan ka mid ah Evans Misati ,Nicodemus Bore ,Augustus Muli ,Dr. Nelson Makanda , Fatuma Samaan ,Tanui Andrew Kipkoech iyo Faith Odhiambo oo ah madaxa ururka qareennada dalka ee LSK.