Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja -One Kenya Raila Odinga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in isbeheysigan ama xisbiga ODM ee uu hoggaamiyo aynan xisbiga UDA ee madaxweyne William Ruto la gelin heshiis ku aaddan isbeheysi.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha uu qaybtii labaad ee golihiisa wasiirrada uu ku soo daray afar xubnood oo ka tirsan ODM.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in la cadeeyo shuruudaha looga wada hadli karo arrimo ay ku adkeysanayaan in dowladdu ay sameyso.
Hasa ahaate, waxaa uu u hambalyeeyay wasiirrada magacaaban ee ka tirsan ODM ee kala ah John Mbadi ( wasiirka maaliyadda ), Cali Xasan Joho ( Macdanta ), Wycliffe Oparanya (Iskaashatooyinka ) iyo Opiyo Wandayi ( Tamarta).
Raila Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in Azimio ay sii wadi doonto in ay u ololeyso wada xaajoodyo qaran oo ku saleysan shuruudaha sida in magdhow la siiyo qoysaska dadkii ku dhintay dibadbaxyada , in la soo siidaayo dadka loo xiray mudaaharaadyada oo meesha laga saaro dacwadaha ka dhanka ah shakhsiyaadkan iyo in maxkamadda la soo taago ciidamada booliiska ee lagu eedeyay in ay dibadbaxayaal toogteen.