Wariyaasha oo lagu wado in ay maanta bannaanbax sameeyaan

0
275

Waxaa maanta la filayaa in ay bannaanbax nabad ah sameeyaan wariyaasha dalka.
Waxaa isku soo baxyadan ku baaqay dalladda tifaftirayaasha waddanka ee KEG iyo ururka suxufiyiinta ee KUJ.
Waxay ka cabanayaan bartilmaameedsi ay sheegeen in ay kala kulmaan saraakiisha booliiska marka ay tabinayaan wararka la xiriira dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxa ururka tifaftirayaasha warbaahinta dalka ee KEG, Zubeida Kananu ay wacad ku martay in ay toddobo cishe ka dib bannaanbax sameyn doonaan haddii aan lala xisaabtamin saraakiishii 17-kii bishan xiray rugcadaa saxaafadeed Macharia Gaitho in kastoo markii dambe la soo siidaayay.
Waxaa ka sii horreysay in toogasho lagu dhaawacay Wanjeri Kariuki, oo ka howlgasho telefishinka Kameme TV .
Wariyaasha ayaa abaare 10-ka barqanimo ee maanta ku kulmi doono xarunta Nation Center ee bartamaha magaalada Nairobi iyagoo ku labisan funaanado cad oo ka turjumaya nabadda.
Waxay socdaal ku tagi doonaan daarta Jogoo House si ay cabashadooda ugu gudbiyaan sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska Douglas Kanja ka hor inta aynan u sii gudbin Teleposta Towers si ay cabashadooda ula wadaagaan wasaaradda warfaafinta ee dalka.