Kenyaanka ku nool Maraykanka oo dibadbax ka sameeyay xarunta IMF

0
214

Qaar ka mid ah qurbajoogta dalka ee ku nool magaalada Washington, DC ee Maraykanka ayaa bannaanbax ka sameeyay afaafka hore ee xarunta dhexe ee Sanduuqa Caalamiga ee Lacagaha ee IMF ee magaaladaasi.
Waxay hay’addan ku eedeeyeen faragelinta dhaqaalaha Kenya.
Shakhsiyaadkan oo ka kala yimid Washington, gobollada Maryland iyo Virginia ayaa sheegay in IMF ay iska indha tirtay saameynta amaahda ay siiso Kenya.
Waxay dalbadeen in ay magdhow siiso qoysaska dadka ku dhintay dibadbaxyadii waddanka ka dhacay ee dowladda looga soo horjeeday.
12-kii bishan ayay ahayd markii Sanduuqa Caalamiga ee Lacagaha ee IMF uu raalligeliyay kenyaanka ay sida gaarka ah u saameeyeen mudaaharaadyada taasi oo keentay in dowladdu ay meesha ka saarto hindise sharciyeedkii maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Afhayeenka IMF ,Julie Kozack ayaa sheegtay in ay murugada la qaybsanaysa qoysaska dhallinyarada lagu dilay dibadbaxyada iyo kuwa dhaawacmay.
Hasa ahaate waxay difaacday mowqifka maaliyadeed ee sanduuqan oo ay dhaliileen kenyaanka.
Kozack ayaa hoosta ka xarriiqday in IMF ay doonaysa in ay Kenya sameyso kobac dhaqaale oo waara , in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada sidoo kalena la xoojiyo barnaamijyada lagu taageero danyarta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay dowladda Kenya Sanduuqa Caalamiga ee Lacagaha ee IMF ay ka heshay 503 bilyan oo shilin si ay wax uga qabato xaaladda dhaqaale.