Ra’yi uruurin lagu ogaaday in booliiska ay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen dibadbaxayaasha

0
158

Shirkadda daraasaadka ee TIFA ayaa ra’yi uruurin ay sameysay waxay ku ogaatay in ciidamada booliiska ee ka falcelinayay dibadbaxyadii waddanka ka dhacay ee looga soo horjeeday dowladda ay isticmaaleen awood xad dhaaf ah.
Waxaa dareenkan muujiyay saddex ka mid ah afartii qof ee ka qayb qaatay cilmi baaristan oo intooda badan ka soo jeeda Nairobi iyo Nyanza.
Tani ayaa u dhiganta boqolkiiba 75 iyadoo boqolkiiba 17 ee dadka la wareystay ay sheegeen in ay aaminsan yihiin in ciidamada ammaanka ay is xakameeyeen.
TIFA ayaa ra’yi uruurintan sameysay 16-kii iyo 17-kii bishan Toddobaad ee July.
Waxaa sidoo kale ciidamada booliiska adeegsiga awoodda xad dhaafka ah ku dhaliilay ururrada u ololeeya xuquuqul aadanaha.