Ciidamada booliiska ee dalka Bangladesh ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 100 ruux ay ku dhaawacmeen dibadbaxyo dhacay.
Mudaaharaadyada oo ay arday dhigayeen ayaa rabshado isku beddelay ka dib markii uu isku dhac dhex maray ardayda iyo shakhsiyaad taageersan dowladda dalkaasi.
Dibadbaxyada ayaa looga soo horjeeday nidaam dhanka shaqaaleysiinta ah oo boqolaal kun oo ka mid ah fursadaha shaqada ee Bangladesh loogu talagalay kooxo gaar ah sida carruurta dadkii u soo dagaallamay xurriyadda waddankaasi.
Dadka hannaankan dhaliilsan ayaa qabo inay keliya ka faa’iidaan ubadka kooxaha taageersan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Sheekh Hasina oo bishii Koowaad ee sanadkan markii Afaraad loo doortay hoggaaminta Bangladesh.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ay hakisay nidaamka shaqaaleysiinta hasa ahaate dibadbaxayaasha ayaa wacad ku maray in ay bannaanbaxyada sii wadi doonaan ilaa iyo inta tani gebi ahaanba meesha laga saaraya.