Ugu yaraan 10 arday ah ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen ka dib shil laga soo tabiyay isgoys ku yaalla ismaamulka Nyamira.
Tani ayaa timid ka dib markii bas ay ardaydan ku safrayeen uu shil galay.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in baska uu ka yimid Nyamira kuna wajahnaa Kisumu.
Shilka ayaa dhacay abaare 6:45 subaxnimo ee shalay.
Waxaa gaariga uu siday 41 arday ah iyo 4 macallimiin ah.