Ciidanka amniga oo soo afjaray weerarkii xabsiga dhexe

0
410

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal toos ah oo maanta ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana haatan la soo afjaray weerarka, ka dib howlgal culus oo saacado qaatay.
Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii ay weerar toos ah xabsiga ka soo abaabuleen xubno loo haysto Shabaabnimo oo ku xirnaa qaybta Biya Mundo oo ka tirsan xabsiga dhexe ee Xamar, islamarkaana ay ku xiran yihiin xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ay soo xirtay dowladdu.
Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah maxaabiista ay haleen qoryo AK47 ah iyo bambaamooyin, kadibna ay u suuragashay inay la dagaalamaan ilaallada xabsiga.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa inoo sheegay in la tooktay dhammaan raggii weerarka soo qorsheeyay oo tiradooda lagu sheegay 5 nin, waxaana ay ku xukunaayeen dil toogasho ah, ka dib markii lagu helay Al-Shabaabnimo iyo dilal ay horay u gaysteen.
Sidoo kale waxaa weerarkan ku dhintay laba maxabuus oo kale, halka ay ku dhaawacmeen labo kale, kuwaas oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar.
Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana gudaha u galay xabsiga ciidamada amniga oo weli howlgal amni xaqiijin ah kawada halkaasi.
Waa markii labaad oo xabsiga dhexe iska hor imaad uu ka dhaco, sanadkii 2020-kii ayay aheyd markii sidan oo kale maxaabiis ku jiray xabsiga oo hub loogu qariyay raashin ay ka dhex dagaalameen xabsiga gudihiisa.