Waxaa lagu warramayaa in afar askari oo ka tirsanaa ciidamada fuliya howlgallada gaarka ah ee (SOG) ayaa lagu dilay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Banisa ee ismaamulka Mandera.
Ciidamada ayaa howlgallo ka waday aaga Har Sigenge iyagoona weerar culus kala kulmay kooxda Al-Shabaab.
Dableyda hubeysnayd ayaa dhexda u gashay saraakiishan, iyagoona rasaas isweydaarsaday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 6 askari ay sidoo kale ku dhaawacmeen weerarkan, halka la sheegay in weerarka ka dib la waayay lix saarkaal oo kale.