DHAGEYSO:Lataliyihii amniga Farmaajo “Abiy Axmad waa nin xagjir ah, haddii dowladda iska dhicin karin Al-Shabaab ha u baneyso”

0
702

Cabdisaciid Muuse Cali lataliyihii hore ee dhanka amniga Qaranka ee madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii Badda ay wadagaleen Somaliland iyo dowladda Itoobiya.
Cabdisaciid Muuse Cali oo sidoo kale horay dowladdii Farmaajo uga soo noqday Wasiirkii wasaaradda Arrimaha Dibbada ayaa soo jeediyay in dowladda Xasan Sheekh haddii aysan iska dhicin karin damaca guracan ee Abiy Axmad inay u baneyso Al-Shabaab.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay soo gaartay dhaawac weyn oo la xariira hanaanka ay uga jawaab celiso hadallada mayalka adag ee ka soo yeera ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad.
Lataliyihii amniga madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka gaabsaday inuu si sax ah uga jawaabo in kooxda Al-Shabaab uu u aqoonsan yahay argagixiso iyo inkale.

Hadalkan ka soo yeeray Cabdisaciid Muuse ayaa si weyn falcelin uga dhex dhaliyay baraha bulshada, waxaana xusid mudan in muddo xileedkii Farmaajo dowladdiisa lagu eedeeyo inaysan dagaalo la taaban karo la gelin Al-Shabaab.