Kulan xasaasi ah oo ay maanta lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta baaqday, waxaana guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in uu yahay qalad wayn oo ka dhacay baarlamaanka.
Sababta uu u baaqday kulankan oo bilow u ahaa kalfadhigga 5-aad ee Golaha Shacabka ayaa la xiriira kooram la’aan, ka dib markii ay soo xaadiri waayeen xildhibaanno badan.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in kaliya 108 xildhibaan ay soo xaadireen, taasina ay tahay ayaan darro, maadaama ay fasax dheer ka soo laabteen xildhibaannada.
Waxaa uu tilmaamay in arrintan ay tahay qalad wayn oo dhacay, maadaama ay baaqatay shaqadii ay ummadda Soomaliyeed ka sugayeen xildhibaannadooda.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin culus u diray xildhibaanno uu sheegay inay joogaan magaalada Muqdisho, haddana ay soo xaadiri waayeen kulankii maanta, taas oo uu sheegay inay ceeb ku tahay, maadaama ay gudan waayeen waajibkii dastuuriga ah ee lagu lahaa.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo xiray kulankii, wuxuuna sheegay inuu u baaqday maqnaasha xildhibaannada tagi waayay xarunta Villa Hargeysa.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Guddoomiyaha golaha shacabka oo sheegay in qalad weyn uu maanta ka dhacay...