Guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan arrimaha beeraha , xanaannada xoolaha iyo kalluumeysiga ayaa sheegay inuu warqad rasmi ah oo loogu yeeraya u qori doono wasiirka beeraha Mithika Linturi.
Waxaa sidoo kale in ay xubnaha guddigan ka soo hormuuqdaan laga doonaya mas’uuliyiinta shirkadda tayadhowrka badeecooyinka ee KEBS ,shirkadaha MEMS Distributers Limited iyo KEL Chemicals.
Sidoo kale , guddiga arrimaha beeraha ee aqalka sare ayaa go’aansaday inuu u yeero madaxa waaxda adeegga dadweynaha Felix Koskei iyo hoggaanka guddiga qaran ee keydinta dalagga ee NCPB.
Shakhsiyaadkan ayaa su’aallo laga waydiin doonaa bacriminta aynan tayadeedu gaarsiisnayn heerkii la rabay ee laga iibiyay beeralayda dalka.
Guddigan ayaa xusay in haddii mas’uuliyiintan aynan ka soo hormuuqan marka loo yeero ka dib in ay soo gabagabeyn doonaan warbixinta ay ka diyaarinayaan bacriminta.