Waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo ruux ka dib markii ay soo duntay goob dahabka laga soo saaro oo ku taalla ismaamulka Migori.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay Kanga oo ka tirsan deegaan baarlamaneedka Rongo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 18 qof oo macdan qodoto ah ay goobta ku sugnaayeen markii ay soo dumaysay.
Ilaa 10 qof ayay wararku sheegayaan in ay weli ku xanniban yihiin goobtaasi oo loo yaqaano Choppa Gold Mine.
Ilaa afar qof oo dhaawacmay ayaa lagu daaweynaya isbitaalka deegaanka Rongo .
Shacabka Migori ayaa loogu baaqay in ay ka qayb qaataan dadaallada lagu soo samata bixinaya shakhsiyaadka weli halkaasi ku xanniban.