2 canug oo ku dhintay dab gurigooda ku saameeyay Nyahururu

0
282

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo canug ka dib markii uu dab qabsaday ilaa shan guri oo ku yaalla tuulada Kiamaina ee duleedka magaalada Nyahururu ee Galbeedka Laikipia.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in carruurtan ay da’doodu ahayd 2 sano iyo afar sano.
Xilliga uu dabka saameynayay ayay hooyadood oo lagu magacaabo Ms. Susan Muthoni qado u karinaysay.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay dabkaasi hasa ahaate goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka billowday guriga ay carruurtan jiifeen ka hor inta uunan sii fidin.
Waxay saraakiisha waaxda dab damiska ee ismaamulka Laikipia ku dhaliileen in ay goobta tageen saacado ka dib markii dab la demiyay.
Dadweynaha ayaa doonaya in dowladda hoose ee ismaamulka Laikipia ay si degdeg ah wax uga qabato dhacdooyinka dabka oo aaggaasi ku soo laalaabtay.