Midowga musharrixiinta oo soo dhoweeyay in Rw Rooble uu hoggaamiyo arrimaha doorashada

0
476

Midowga murashaxiinta ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay in ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hormuud u noqdo arimaha doorashada.
War saxaafadeed ay soo saareen ayaa waxa ay ku sheegeen in wixii hadda ka dambeeya arimaha doorashada iyo amniga dalka lagula xisaabtami doono ra’iisal wasaaraha iyo xukuumaddiisa.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay jeediyay khudbad kadib markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku wareejiyay arrimaha doorashada iyo amnigeeda ,wuxuuna ku sheegay hadal jeedintiisa oo koobneed in xukuumadiisu ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula imaan doonto qorshooyin la xiriira doorashada iyo amnigeeda. Wuxuu sheegay in ay ka go’antahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.