Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa mar kale sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaan gelisay 401,993 oo ah xaaladaha cusub ee cudurka COVID-19
Tiradan ayaa ah midii ugu badneyd ee hal maalin gudaheed laga xaqiijiyo wadan ka mid ah caalamka.
Tirada guud ee kiisaska cudurka COVID-19 ee India ayaa hadda ah 19.1 milyan.
Sidoo kale waxaa dhimashada gudaha wadankaas ku kordhay 3,523 tani oo tirada guud ee dhimashada ay kor u sii dhaaftay 211,853.
Bishii hore oo keliya, india ayaa diiwaan gelisay ku dhawaad 7 milyan oo xaaladaha Covid19, hase ahaate kiisaska fayraska ee dalkaasi ayaa wali ka hooseeya marka loo eego dalal kale oo badan caalamka.