DHAGEYSO:Booliska oo baaraya toogasho gelinkii dambe ee shalay ka dhacday Nairobi

0
582

Booliska caasimadda dalka ee Nairobi ayaa baaraya dhacdo laga soo tabiyay gelinkii dambe ee shalay wadada Moi Avenue ee bartamaha magaalada ka dib markii nin waardiyeynayay bakhaar ay haleeshay rasaas uu furay milkiilaha goobtii uu ilaalinayay.
Milkiilaha toogtay wardiyihiisa ayaa la sheegay in rasaasta uu u waday burcad doonaysay inay bakhaarka dhacdo taas oo la sheegay inay si nasiib darro ah rasaasta ugu dhacday wardiyaha.
Dadweyne si weyn uga carooday dhimashada wardiyaha oo isugu soo baxay goobtii ay mashaqada ka dhacday ayaa isku dayay inay dilaan ninka rasaasta ku dhuftay ilaaliyaha blasé waxaa islamarkiiba badbaadiyay ciidamada booliska oo goobta ka ag dhawaa.
Mid ka mid ah dadkii goobjooga u ahaa dhacdadan ayaa warbaahinta sida tan ugu warramay.

Qof kale oo rayid ah ayaa la sheegay inay haleeshay rasaas waxaana markiiba loola cararay isbitaalka si xaaladiisa loola tacaalo.
Meydadka ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee City mortuary ee Nairobi.