Ra’iisul Wasaarihii hore ee Thailand oo la maxkamadeyn doono bisha soo socoto

0
138

Waxaa uu qorshuhu yahay in bisha Lixaad ee sanadkan dacwad lagu soo oogo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Thailand Thaksin Shinawatra.
Waxaa uu wajahaya eedeymo la xiriira inuu afgalaadeeyay boqortooyada wadankaasi.
Mas’uulkan hore ayaa Thailand dib ugu soo laabtay sanadkii 2023-kii ka dib muddo 15 sano ah oo uu dibadda uga maqnaa.
Afhayeenka xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Thailand Prayuth Pecharakun ayaa sheegay in Thaksin oo 74 sano jir ah uu maxkamadda ka soo hormuuqan doono 18-ka bisha Lixaad ee June ee sanadkan.
Sidoo kale waxaa uu wajahaya dacwad ah inuu ku xadgudbay xeerka lagula tacaalo dembiyada dhanka intarneetka ee lagu fuliyo aaladaha tiknolojiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here