Kenya oo dib u dhigtay go’aanka ay ku xireyso xeryaha qaxootiga ilaa 30-ka bisha Lixaad ee 2022-ka

0
976

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah ugu wargelisay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR inay damacsan tahay xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma ugu dambeyn 30-ka bisha Lixaad ee Juun ee sanadka 2022-ka.
Go’aankan ayay ku dhawaaqday Kenya maanta ka dib markii ay kulan yeesheen wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Fred Matiang’i iyo madaxa hay’adda qaxootiga dunida ee UNHCR Filippo Grandi.
Bayaan ay soo saartray wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa lagu sheegay in guddi ka socda dowladda Kenya iyo qaramada midoobay ay billaabi doona qorshaha lagu dedejinayo xiritaanka xeryaha laga billaabo 5-ta bisha Shanaad ee May 2022-ka.
Dadka qaxootiga ah ayaa dib loogu celin doonaa waddamada ay kasoo jeedaan.
Waxaa sidoo kale qaxootiga kasoo jeeda bariga Afrika qaarkood fursad loo siin doonaa inay helaan oggolaansho shaqo, si ay uga shaqaystaan gudaha dalka Kenya.
Madaxa hay’adda qaxootiga dunida ee UNHCR Filippo Grandi ayaa sheegay in Kenya aysan xiri doonin labada xero balse ay raadin doonto xal.
24-kii bishii hore ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi uu hay’adda UNHCR u qabtay muddo 14 cisho ah oo ay ku dejinayso qorshaha lagu xiraya xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ayaa xilligaasi sheegtay in uunan jirin wax wada-hadal ah oo arrinkan ka furan.
8-dii bishaan ayay ahayd markii maxkamadda sare ee dalka ayaa si ku meel gaar ah u joojisay go’aanka ay dowladda Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma inta laga dhageysanayo dacwadda ka dhan ah ammarka ay dowladda dhexe ku xireyso xerooyinkaas.
Xeryaha Dadaab iyo Kakuma ayaa waxaa xilligan ku nool in ka badan 410,000 qaxooti.