DHAGEYSO:Qaar ka mid ah shacabkii Maalmo ka Hor ka barakay Muqdisho oo dib ugu soo laabta Guryahooda

0
640

Kadib Markii qaar badan oo ka mid ah shacabkii ku noolaa Magaalada Muqdisho ay guryahooda isaka barakaceen iska hor imaadyo Muqdisho ka dhacay Axadii awgood ayaa waxay hada dib ugu soo laabteen Guryahooda kadib markii uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya shalay ka codsaday inay Guryahooda dib ugu Soo laabtaan.
Ra’isulwasaaraha ayaa sidoo kale Laamaha amaanka Faray inay shacabka u turaan oo ay amaankooda ilaaliyaan.
Qaar ka mid ah shacabka guryahooda oo ay horay uga Barakaceen Maanta dib ugu soo laabtay ayaa Warbaahinta la hadlay waxayna dowlada iyo mucaaradkaba ka codsadeen inay xal ka gaaraan Khilaafka ka dhex jira ayna shacabka u turaan.