DHAGEYSO:Ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta oo Kulan yeeshay

0
370

waxaa Xalay kala duwan magaalada muqdisho ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta & Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle, kulankaas oo looga hadlayay xaalada dalka.
Kulanka oo lagu qabtay Hoyga oo Muqdisho ka degan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa waxaa siweyn looga hadlay dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Arrimaha doorashooyinka.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shirka ka warbixiyay ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa sidii looga wada Shaqeyn lahaa amniga iyo deganaanta muqdisho loogana hortegi lahaa waxkasta oo keeni kara dhibato ama Khalkhal Amni.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay Madaxda ka wada hadleen in dalka ay si deg deg ah uga dhacdo doorasho asal u ah heshiiskii 17-kii September, isla markaana dhinacyada oo dhan ay xoogooda u mideeyaan sidii looga fogaan lahaa waxkasta oo dalka u horseedi kara xasilooni darro.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Midowga Musharixiinta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli malmihii la soo dhaafay xaalada Magalada Muqdisho ay aheyd mid aan daganayn kadib markii ay iska hor imaadyo dhexmareen Ciidamada dowladda iyo kuwo Millateri ah, oo sheegay inay kasoo horjeedaan mudo kororsiga ay sameeyeen Golaha Shacabka.