Somaliland oo Shimbir xaalad caafimaad ugu qaadday dalka Jabuuti

0
353

Waxaa lagu soo warramayaa in Shimbir haad ah uu ku dhintay magaalada Lawyo-Caddo ka dib markii ay xukuumadda Somaliland u qaaday dalka Jabuuti si looga daweeyo dhaawac soo gaaray.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka ee maamulka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Boondare, oo wareysi siisay laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegtay in Shimbirkan oo ahaa nooc haadka ka mid ah oo sii dabar go’aya uu dhaawacmay ka dib markii uu ku dhacay xarig koronto, ka dibna uu garabka ka jabay.
Waxaa ay intaasi ku dartay in ka dib markii uu Shimbirku dhaawacmay ay carruur ka ag dhawayd soo qaadeen oo ay keeneen goob lagu xanaaneeyo xayawaanada duur joogta ah oo ku taalla magaalada Hargeysa, dadaal dheer kadibna ay waxba ka qaban kari waayeen xaaladdiisa ayna go’aan sadeen in ay u qaadan dalka Jabuuti.
Wasiiradda ayaa xustay in markii Shimbirku uu gaaray magaalada Lawya-Caddo ee xadka Somaliland iyo Jabuuti laga codsaday in ay keenaan waraaqo dheeraad ah oo sharci si Shimbirka looga gudbiyo xadka, islamarkaana intii ay ku mashquulsanaayeen sameynta waraaqaha uu shimbirku dhintay.
Boondare ayaa sheegtay in ay aad uga xumaadeen dhimashada haadka, islamarkaana ay shaqaalaha wasaaradeedu iskaga tacsiyeeyeen, iyada oo sheegtay in uu ahaa nooc ka sii dabargo’aya dhulka Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here