Sarkaal militari oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Maraykanka ayaa lagu xiray magaalada Vladivostok ee dalka Ruushka.
Askariga oo lagu magacaabo Gordon Black ayaa loo haystaa xatooyo.
Wakaaladda wararka ee Ruushka ee RIA ayaa qortay in sarkaalka uu xabsiga ku jiri doono ilaa 2-da bisha Toddobaad ee sanadkan sida ay maxkamaddu amartay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Gordon oo 34 sano jir ah uu ka howlgalayay Kuuriyada Koonfureed isagoo isku diyaarinaya inuu dib ugu laabto hooygiisa gobolka Texas ee Maraykanka.
Balse waxaa uu Ruushku u tagay inuu soo arko gabadh ay muddo badan wada sheekeysanayeen.
Waxaa xariga sarkaalkan xaqiijisay afhayeenka ciidamada militariga ee Maraykanka Cynthia Smith iyadoo dowladda Ruushka ay soo wargelisay Maraykanka ka dibna militariga uu arrintan la sii wadaagay qoyska Gordon.