DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo guddi u saartay shaqaaqadii ka dhacday garoonka Aadan-Cadde

0
392

Wasaaradda Amniga Gudaha ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa magacawday Guddi baaritaan ku sameeynaya shaqaaqadii Maalintii Khamiista ka dhacday Garoonka Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga oo la ogeysiiya, Wasirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxaweynaha ayaa lagu Magacaabay Xubnaha Guddiga oo ka kooban Shan Xubnood.
Guddigaan ayaa baaris iyo xaqiiqo raadin ku sameeynaya dhacdadii ka dhacday Garoonka Diyaradaha Aadan Cabdulle ee Magaalada, taariikhdu markii ay ahayd 22/04/2021.
Ugu dambeyn Wasiirka Amniga,Wasiirka Gadiidka Cirka iyo Maareeyaha Hay’ada Duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa Xubnaha Guddiga la magacabay waxaay fareen inay si dhaqsi leh u howl galaan isla markaana natiijada baarista oo tafatiran ku soo gudbiyaan muddo gaaban gudaheed.
Mas’uuliyiintaan ayaa sidoo kale sheegay in shaqada Garoonka ay caadi u socoto ayagoo qaybihii ay shaqaqaaqdu ka dhacday Kormeer ku Sameeyay.