Wasaaradda caafimaadka oo sheegtay in cudurka COVID19 laga tallaalay boqolkiiba 73 ee dhakhaatiirta

0
411

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in boqolkiiba 73 ee dhakhaatiirta wadanka la siiyay tallaalka ka dhanka cudurka COVID19 gaar ahaan nooca AstraZeneca .
Waxaa uu qorshuhu ahaa in tallaalka ay qaataan 208,418 oo ah saraakiisha caafimaadka balse waxaa ilaa iyo hadda ka faa’iidaystay 152,469 oo tiradan ka mid ah.
Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in macalliminta tallaalka la siiyay ay yihiin boqolkiiba 38 maadaama la bartilmaameedsanayay 126,322 oo barayaal ah.
Sidoo kale tirada saraakiisha ammaanka ee ka faa’iidaystay wajiga koowaad ee tallaalka ayay wasaaradu ku sheegtay 66, 677 .
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa dhanka kale sheegay in uu dib u dhac ku imaan karo wajiga labaad ee tallaalka maadaama uu caalamka wajahaya caqabad la xiriirta daawooyinka tallaalka.
Waxaa uu intaa ku daray in cid kasta oo hadda tallaalka la siiyay ay mar labaad qaadan doonto toddobaadka ugu horreeya ee bisha lixaad ee sanadkan.