Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay halkaasi ay Israa’iil ku dishay ugu yaraan 97 ruux.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay Israa’iil dhanka kale shalay duqeymo ka gaysatay magaalada Rafah.
Waxay ku hanjabtay inay halkaasi geyn doonto ciidamo militari oo bartilmaameedsanaya ururka Xamaas.
Magaalada Rafah ayaa hooy u ah 1.4 milyan oo qof oo Falastiiniyiin ah.