Dhaqtar Caan ah oo Maanta Muqdisho lagu dilay

0
764

Kooxo hubeysan ayaa Barqanimadii maanta waxaay Xaafada Albaraka ee degmada Hodan ku dileen Dr Xasan Cismaan Ciise oo loo ayqaano Dr Buurane, oo ahaa dhakhtar ku takhasusay cudurarada Maqaarka, iyagoo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayay Dhaqtarka uu ku sugnaa Banaanka Gurigiisa, isla markaana rag ku hubeysnaa Bustoolado ay dhowr xabo kaga dhufteen qeybta Sare ee jirkiisa halkaasna uu ku geeriyooday.
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa tegay halka dilku ka dhacay, iyagoo goobta ka qaaday meydka dhaqtarka sidoo kalena ay Goobta ka sameeyeen howlgallo aan Cidna lagu qaban.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeeysa dilka Dhaqtarka iyo cidda dishay, iyadaoo laamaha amaanka dowladda Soomaaliya aysan weli wax faah faahin ah ka bixin dilka loo geystay dhaqtarka Caanka ku ahaa Cudurada Maqaarka.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada muqdisho kusoo batay dilalka qorsheysan, waxaana dilkaan uu kusoo aadayaa xilli xalay Xaafada Siliga Ameerikanka ee degmada Wadajir lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha degaanka degmada Warsheekh oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxman Kamaal Sheekh