Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya, xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamad ayaa sheegay in markii ugu horreysay sanadkan Soomaaliya laga soo saari doono shidaalkii ugu horreeyay ee dalka.
Xilli uu wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ee BBC-da, ayuu sheegay in shidaalka laga soo saari doono 7 xirmo oo xeebaha dalka ku yaalla, gaar ahaan deegaanada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Waxaa uu intaasi ku daray in haatan ay socoto qiimeyntii ugu dambeysay ee sahminta shidaalka dalka laga soo saarayo, iyo sidoo kale wacyigelinta goobaha shidaalka laga qadayo.
Wasiirka ayaa sheegay in saddexda bilood ee sanadkan ugu dambeysa ay billaaban doonto qodista shidaalka.
Haatan ayuu sheegay in la soo gabagabaynayo qiimeynta ku aaddan saameynta deegaan ee goobaha shidaalka laga soo saarayo.
Soomaaliya ayaa sanadkii 2022-kii heshiis shidaal baaris ah oo laga sameynayo toddobo baloog oo xeebaha ah la saxiixatay shirkad fadhigeedu yahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Coastline Exploration.
Home Wararka Soomaaliya Wasiirka batroolka oo sheegay in sanadkan Soomaaliya laga soo saarayo shidaalkii ugu...