DHAGEYSO:Wasaarada Arrimaha gudaha iyo guddiga Baarlamanka ee Amaanka oo maanta kulmay

0
422

Wasaarada Arrimaha gudaha iyo guddiga baarlamaanka qaran ee amaanka iyo maamulka ayaa maanta qaab muuqaal arag am online ah ku kulmay ayaga oo ka wada hadlay arrima kala duwan.
Wasaarada arrimaha gudaha ayaa waxa matalaye Wasiirka arrimaha gudaha dalka , Dr.Fred Matiangi , xoghayayaasha wasarada Dr.Karanja Kibicho iyo Zainab Hussein, Xoghayaha maamulka wasaaradda Winnie Gachu.
Guddiga baarlamanka ee amaanka qaran ayaa waxa hoggaminayay Wakiilka haweenka Ismamaulka Wajer ku matasha aqalka barlamanka Hon.Fatuma Gedi.
Waxyaabaha ay ka wada hadleen waxa ka mid ah arrimaha dadka woqooyi bari ee galay hannanka qaxootiga ee UNHCR iyo wax ka badalida xeerka hubka.
Wariyaheena Maxamaxad Cali Madoobe ayay Khadka telefanka ugu warantay wuxuuna oogu horayn weydiiyay waxa ay maanta ka wada hadleen wasaarada.

Guddiga ayaa waxay sido kale kala hadleen Wasaarada arrimaha Gudaha wax kabadalida xeerka hubka. Iyado dhawaan la dareemayay inay sare u kaceen dadka hubka u sharciyeysan oo si khaldan u adeegsaday.
Arrintaan waxaa wax ka weydinay Mrs Gedi waxayna tiri.