SAWIRRO:Madaxweynaha dalka oo gaaray DRC Congo

0
541

Madaxweynaha dalka Mr Uhuru Kenyatta ayaa booqasho 3 maalmood ah ku tagay magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo.
Mr Kenyatta ayaa casuumaad ka helay dhiggiisa DRC Congo Felix Tshisekedi.
Diyaaradda shirkadda Kenya Airways oo siday madaxweynaha dalka iyo wafdiga u hoggaaminayay ayaa 3-dii galabnimo maanta caga dhigatay garoonka diyaaradaha N’djili ee magaalada Kinshasa ee caasimadda DRC Congo.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa garoonka waxaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Tshisekedi.
Ujeedka safarka madaxweynaha dalka ee saddexda cisho ee DRC Congo ayaa lagu sheegay in ay tahay in la adkeeyo xiriirka wanaagsan ee labada dal u dhexeeya, iyada oo loo marayo kor u qaadista ganacsiga iyo isdhexgalka labada shacab.
Booqashada madaxweyne Kenyatta uu ku tagay Jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa ku soo aadeysa iyadoo madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo uu saaka dib uga laabtay caasimadda Muqdisho ka dib safar uu ku tagay Kinshasa.