Agaasinka dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa iska fogeysay warbixin uu dhawaan soo bandhigay telefishinka maxaliga ee Cetizen.
Agaasimaha guud ee DCI-da, Mr. George Kinoti, ayaa beeniyay warbixinta uu baahiyay telefishinka maxaliga Cetizen islamarkaana ku saabsaneyd in qaar ka mid booliska ay qoryaha, bistooladaha iyo dareyska ciidanka ay si fudud uga kireeyaan shakhsiyaad aan sharci u haysan oo burcad u badan..
Warbixinta uu tv-ga Cetizen soo bandhigay ayaa lagu sheegay sida saraakiisha booliska qaarkood ay gacan uga geystaan falal dambiyeed iyaga oo qoryahooda iyo dareysyada ciidanka ka kireeyan dad aan sharci u haysan.
Mr Kinoti ayaa si kastaba ha ahaatee sheegay in warbixinta la soo badhiigay looga dan lahaa in lagu bahdilo laamaha amaanka.
Waxaa uu intaa ku daray in aysan jirin dadaal uu sameeyay tv-ga Citizen islamarkaana waaxda DCI-da uunan la wadaagin warbixinta si loo caddeeyo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in qoryaha uu tv-ga Cetizen soo bandhiga aysan lahayn booliska dalka.
Sarkaalka sare ee oo ka tirsan sirdoonka dalka ayaa sheegay in warbixinta la soo bandhigay loogu talagalay in lagu wiiqo dadaallada ay wadaan adeegga booliska qaranka.
Madaxa waaxda dambi baarista ee DCI-da George Kinoti ayaa sheegay in hay’adda baaritaanka ay u yeertay agaasimaha adeegyada hindisaha iyo istaraatiijiyadda ee warbaahinta Royal Media Linus Kaikai, si ay xog dheeraad ah uga bixiso warbixinta.
Mr Kinoti ayaa ugu dambeyntii sheegay in dacwad ka dhan ah telefishinka Cetizen ay u gudbiyeen golaha warbaahinta dalka ee MCK.
Mar uu arrimahan ka hadlayay maanta agaasimaha waaxda DCI-da ayaa waxaa hadalladiisi ka mid ahaa
Warbixinta ayaa buuq ka dhax dhalisay baraha bulshada maalintii Axadda ilaa shalay ee toddobadkan, iyadoo dadka adeegsada barahaasi ay ku baaqayaan in baaritaanno ballaaran lagu sameeyo qoryaha saraakiisha booliska ee dalka.