DHAGEYSO:KMPDU oo digniin shaqo joojin u dirtay ismaamulka Uasin Gishu

0
179

Dhakhaatiirta ka howlgalo ismaamulka Uasin Gishu ayaa sheegay inay shaqo joojin ku dhaqaaqi doonaan haddii hoggaanka dowlad deegaankaasi uunan xallin tabashooyinkooda.
Xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee Dr. Davji Atellah oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Eldoret ee dowlad deegaanka Uasin Gishu ayaa maamulka dowlad deegaankaasi ku eedeyay in jabiyeen heshiisyo ay horay wada gareen.
Atellah ayaa intaasi ku daray in dowladda ismaamulkaasi ay sidoo kale joojisay mushaaraadkii ay siin jirtay dhaqaatiirta caafimaadka.
Waxaa uu sheegay in dhakhaatiirta ismaamulkaasi ay guda geli doonaan shaqo joojin socon doonta muddo 21 cisho ah.
Dhakhaatiirta ismaamulka Uasin Gishu ayaa sidoo kale doonaya in la dallac siiyo
Xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirta KMPDU Dr. Davji Atellah ayaa sheegay inay ka daaleen eedeymaha ay u jeediyaan ismaamullada sidaas awgeedna ay dalbanayaan in wax laga qabto tabashooyinka howlwadeennada caafimaadka.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ah.