Maleeshiyaad hubeysan oo afar ruux ku dishay duuleedka magaalada Dhuusamareeb

0
205

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Faragooy oo qiyaas ahaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug u jirta 20 kiilomitir ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay afar ruux oo shacab ahaa.
Afarta ruux ayaa dhammantood ahaa rag dhallinyaro ah, waxaana dilkooda gaystay maleeshiyaad hubeysan oo goobta isaga baxsaday.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dilka loo gaystay afarta dhallinyarada ah inuu yahay mid la xiriiro aar goosi aano qabiil ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, kuwaas oo howlgalo lagu baadigoobayo maleeshiyaadka dilka gaystay ka wada deegaanka iyo nawaaxigiisa.
Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka maamulka Galmudug oo ku aadan falka dilka ah iyo howlgallada ay wadaan ciidanka.
Gobollada Galgaduud iyo Mudug waxaa inta badan ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil, kuwaas oo ku soo laa laabtay marar badan deegaanada maamulka Galmudug.