Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ku booriyay haweenka dalka inay taageeraan geddisocodka sharci beddelka ee warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Raila ayaa sheegay in BBI ay horseedi doonto in lagu guulaysto matalaad ku filan haweenka ee xilalka ugu muhiimsan dowladda.
Hadalkan ayuu madaxa xisbiga ODM ka jeediyay xilii u shalay dhismaha Ufungamano ee magaaladatan Nairobi kula kulmay hoggamiyaasha haweenka.
Waxaa uu intaa ku daray in BBI ay soo afjari doonto gaabadka dhanka xeerarka dastuuriga ah ee ka jira dalka islamarkaana dadka ka soo horjeeda aysan dooneeyn in dalku horumar dimuqraadi ah ku tallaabsado.
Mr. Odinga ayaa sheegay in la sii wadi doono howlaha BBI ee la hakiyay cudurka COVID-19 awgii
Xildhibaanka deegaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad ayaa dhankiisa sheegay in taageeridda dumarka ee dhanka siyaasadda ay lagama maarmaan tahay
Wakiilka haweenka ee Nairobi Esther Passaris ayaa iyadana ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ku eedeysay inuu shacabka marin habaabinayo.
Dhanka kale guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Ken Lusaka ayaa ku booriyay qowmiyadda Luhya inay midoobaan oo ay xoojiyaan midnimadooda ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Lusaka ayaa sheegay in qowmiyadda uu ka soo jeeda ay leeyihiin awood ay ku hoggaamin karaan dalka balse hadii aysan midoobin ay arrintaasi suuragal noqon karin.
