Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Taiwan ay u aqoonsan tahay dhul ka tirsan Shiinaha

0
257

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay u aqoonsan tahay Taiwan inay tahay qayb ka tirsan Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha.
“Soomaaliya iyadoo ka duulaysa ka go’anaanshaha mabaadi’da ku qeexan Axdiga Qaramada Midoobay, waxay u doodda inaan la faragelin arrimaha gudaha ee dhammaan ummadaha,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibbada ee Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibbada ayaa sheegtay, u hoggaansanaanta mabda’a faragelinta la’aanta inay hoosta ka xariiqayso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay kobcinta wada noolaanshaha caalamka iyo ixtiraamka madax-bannaanida.
Taiwan oo ah dal aan weli la aqoonsanayn, ayaa xiriir dhow laleh Somaliland, iyagoo horay u sheegay inay Somaliland u aqoonsanayaan dal ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale, iyadoo arrintaasi ay dowladda Soomaaliya si aad ah u cambaaraysay.
Dhawaan, doorasho ka dhacday Taiwan, Lai Ching-te ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee Taiwan.
Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha caalamka ayaa ammaanay sida tirada badan ee dadka ugu soo baxeen doorashada dalkaasi ka dhacday.