Ciidanka Danab oo ka hor yimid natiijadii doorashadii madaxweynaha Puntland

0
538

Taliska ciidanka Danab ee taabacsanaa mucaaradka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ka hor yimid natiijadii ka soo baxday doorashada madaxweynaha maamulkaasi ee shalay ka dhacday magaalada Garoowe.
War saxaafadeed ka soo baxay taliska Danab ayaa lagu sheegay in doorashadaasi ay ahayd mid uu isku caleemo saaray madaxweynaha talada haya ee Saciid Cabdullaahi Deni.
Danab ayaa ku eedeysay ciidanka amniga inay dil, dhaawac iyo xarig u gaysteen dad shacab ah oo ka hor yimid doorashadii ka dhacday magaalada Garoowe.
Waxay sheegeen inuu maamulka qaadayo cawaaqib xumada ka dhalata waxay ugu yeereen boobka doorashada madaxweynaha.
Hadalkooda ayaa ku soo aaday, iyadoo dhinacyadii doorashada looga guulaystay ay soo dhaweeyeen natiijada doorashada, islamarkaana ay sheegeen inay la shaqeynayaan madaxweynaha la doortay.