Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa haatan ka socda bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan inay hesho 20 kiilomitir oo ka mid ah Biyaha Soomaaliya.
Bannaanbaxa oo billowday subaxnimadii hore ee maanta ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, wuxuuna si gaar ah uga socda Taalada Dajirka Dahsoon ee degmada Boondheere.
Ciidamo aad u farabadan ayaa taagan waddooyinka muhiimka ah, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya sugidda ammaanka guud ee dibadbaxayaasha.
Qaybaha kala duwan ee shacabka reer Muqdisho ayaa ka qayb qaadanaya bannaanbaxa, kuwaas oo wata boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah damaca Itoobiya ee heshiiska Somaliland kula gashay inay hesho qayb mid ah Badda Soomaaliya.
Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan bannaanbaxa oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.
Dhanka kale bannaanbax lagu taageerayo heshiiska ay wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya ayaa Xalay ka dhacay magaalada Hargeysa.
Home Wararka Soomaaliya Bannaabax ballaaran oo looga soo horjeedo heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya oo Muqdisho...