Jubbaland oo war kasoo saartay geerida Prof. Maxamad Cabdi Gaandi

0
459

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Axmad Maxamad Islaam, ayaa guud ahaan umada Soomaaliyeed, Bulshada Jubaland iyo qoyskii, qaraabadii iyo saxiibadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxariistee Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo katirsanaa Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka JFS.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu sooyaal qoto dheer ku lahaa Bulshada Jubaland isagoo Kamid ahaa aas aasayaashii iyo dadkii wakhtiga dheer galiyay sidii loo yagleeli lahaa nidaam ay leeyahiin Bulshada Jubaland, waxaa kale oo uu door muuqda oo aan la iloobi karin ku lahaa xorayntii inta badan deegaanada Jubaland isagoo xiligaas ahaa wasiirka difaaca dalka.
“ Prof. Maxamed Cabdi Gaandi wuxuu ahaa shaqsi dadaal badan oo wakhtigiisa iyo naftiisaba u huray Ummada Soomaaliyeed isagoo kasoo saaray marxalado adag Jubaland hadan ka hadalana wuxuu ahaa dadkii ugu horeeyay ee u istaagay dhismaheeda iyo xoraynteeda” ayuu yiri Axmed Madoobe.