DHAGEYSO:Dowladda dhexe oo sheegtay in ay khasab tahay in la ilaaliyo amarka bandowga habeenkii

0
658

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus oguna ayaa sheegay in saacadda uu billowdo bandowga habeenkii oo lagu baraarugo ay ka mid tahay u hoggaansanka amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID-19.
Oguna ayaa barta Twitter-ka shacabka ku nool ismaamullada Nairobi , Kajiado , Kiambu , Nakuru iyo Machakos ku xusuusiyay in bandowga uu billaabanaya 8-da fiidnimo halka qaybaha kale ee dalka uu ka billowdo 10-ka habeenimo.
Sidoo kale waxaa uu cid kasta ka codsaday in ay mas’uuliyad shakhsiyadeed iska saarto sidii ay ugu sugnaan lahayd hooygeeda ka hor inta aan la gaarin saacadda bandowga.
Qoraalka afhayeenka dowladda dhexe ayaa yimid ka dib qaylo-dhaan ay shacabka ka muujiyeen howlgallo ay xalay ciidamada ammaanka ka sameyeen qaar ka mid ah waddooyinka Nairobi.
Gaadiidleyda ayay dantu ku khasabtay in ay saacado ku sugnaadaan wadada wayn ee Thika Road ka dib markii ciidamada ammaanka ay hor istaageen baabuurtii halkaasi marayay.
Qaar ka mid ah shacabka ayaa cabasho ka muujiyay in dadka loo diiday in ay gudbaan ay ka mid ahayeen kuwo ay dowladdu u fasaxday in ay socdaan maadaama ay adeegyo muhiim ah u fidiyaan bulshada.
Hasa ahaate waxaa arrinkan beeniyay taliyaha saldhigga booliska ee deegaanka Kasarani Peter Nyaga oo sheegay in ay fursad siinayeen cid kasta oo haysato oggolaansho rasmi ah
Taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in howlgallada lagu fulinayo amarka la xiriira bandowga ay si joogto ah u soconayaan

Waddooyinka ay ciidamada ammaanka howlgallada ka sameeyeen xalay waxaa ka mid ah Thika Superhighway, Waiyaki Way, Mombasa Road, Jogoo Road, iyo Lang’ata Road.