Ugu yaraan 9 qof oo ku dhintay dabeylo saameeyay Australia

0
183

Ugu yaraan 9 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Bariga Australia ka dib markii ay halkaasi saameyeen duufaano xooggan.
Khasaaraha nafeed ee ka dhashay duufaanta waxaa xaqiijiyay ciidamada booliiska iyo waaxyaha samatabixinta ee gobollada Victoria iyo Queensland.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah gabadh 9 sano jir ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay sidoo kale burbureen khadadka xiriirinaya korontada halka geedo badanna ay soo dumeen.
Shirkadda adeegga korontada ee gobolka Queensland ee Energex ayaa tirada leemanka xiriiriya korontada ee dumay ku sheegtay in ka badan 1,000 halka qoysaska koronto la’aan ah ay tiradoodu tahay qiyaastii 86,000.