16 qof oo xalay weerar lagu dilay dalka Nageria

0
470

Lix iyo toban qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay waqooyi-bartamaha Nigeria, halkaas oo ay ku badan yihiin iskahorimaadyada u dhexeeya xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda, sida ay ciidamadu sheegeen Axaddii.
Weerarka ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay tuulada Mushu ee gobolka Plateau, sida uu AFP u sheegay Captain Oya James.
Gobolka Plateau ayaa ku yaala xadka kala qaybiya waqooyiga Nigeria oo muslimiin u badan iyo koonfurta oo u badan masiixiyiin waxaana uu sanado badan la daalaa dhacayay colaado isir iyo diineed.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa dhaliyay weerarkan u dambeeyay iyo cida ka dambeysay.