Aden bare Ducaale oo sheegay in sharciga la marsiin doono dadka isticmaala Shiishada

0
334

Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Aadan Ducaale, ayaa bogaadiyay tallaabada lagu baacsanayo dadka Shiishada isticmaala ee dalka ku sugan, isagoo sheegay inay tahay gef, ciddii lagu helo dambigaasna sharciga la horgeeyo.
Hay’adda Qaranka u qaabilsan Ololaha ka hortagga Khamriga iyo Maandooriyaha (NACADA) ayaa hawlgal ka dhan ah Shiishada ay ka fuliyeen xaafada Kilimani ee Nairobi , halkaas oo dad badan lagu soo qab-qabtay, isla markaana lagala wareegay Shiishada.
Isagoo ka jawaabaya howlgalkaas ayuu Ducaale sheegay in Kenya laga mamnuucay cabidda Shiishada sanadkii 2017-kii, qofkii lagu helo isagoo isticmaalaya ama iibinaya in sharciga la marsiiyo.
Habeenimadii Jimcaha, saraakiisha NACADA ayaa 25 qof ku xiray Beerta Yejoka ee Kilimani, ka dib markii lagu helay iyagoo cabaya Shiishada .
Howlgalka ayaa waxaa hogaaminayay madaxa NACADA Anthony Omerikwa, kaas oo sheegay in xayiraadii la soo rogay sanadkii 2017-kii ay wali taagan tahay ayna tahay in la fuliyo.
Dadka shiishada lagu qabtay ayaa u badnaa soomaali taasi oo hadal heyn kadhalisay baraha Bulshada.