Baroordiiq looga dhawaaqay Czech Republic

0
210

Waxaa jamhuuriyadda Czech Republic looga dhawaaqay maalin qaran oo baroordiiq ah.
Tani ayaa timid ka dib markii arday 24 sano jir ah uu dilay aabihiisa iyo 14 qof oo kale.
Falkaasi oo ay ku dhaawacmeen 25 ruux oo kale ayaa laga soo tabiyay jaamacad ku taalla caasimadda dalkaasi ee Prague.
Dhacdadaasi ayaa lagu tilmaamay toogasho wadareedkii ugu xumaa ee soo maro taariikhda Czech Republic.
Ka dib kulan gaar ah oo ay yeesheen golaha wasiirrada , ayuu madaxweyne Petr Pavel ku dhawaaqay in berri oo ay taariikhdu tahay 23-ka Diseembar , uu baroor diiq qaran jiri doono iyadoo calanka Czech Republic dhexda la geynaya.