Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya xalay lagu dilay guddoomiyihii degmada Xamarjajab, Maxamd Cabdi Xayle.
Guddoomiyaha ayaa la sheegay in lagu dilay weerar gaadmo ah.
Dilka ayaa dhacay xilli uu sii galayay gurigiisa oo ku yaalay xaafadda Sarkuusta ee deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho,
Afhayeenka Booliska, Sadiiq Doodishe ayaa u xaqiijiyay dilka Guddoomiyaha, Waxaana dilay Koox Bastoolado ku hubaysan oo watay Mooto Bajaaj.
Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu ka tagay ilaaladiisa qaaska ah, islamarkaana uu ahaa kaligiisa.