Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in uunan oggolaan doonin in hal shilin oo ka mid ah lacagta wadanka lagu lunsado falalka musuqmaasuqa.
Waxaa uu ballan qaaday in dhammaan canshuurta ay dowladda uruuriso loo adeegsan doono sidii loogu tala galay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa waaxda garsoorka iyo guddiga qaabilsan la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ugu baaqay inay ka soo baxaan waajibaadka dastuuriga ee ka saaran ilaalinta hantida qaranka iyagoo aan cidna ka cabsan ama u daneyn.
Ruto ayaa sheegay inay si shakhsi ah uga go’an tahay in dacwad lagu soo oogo dhammaan shakhsiyaadka ku lug yeesha musuqmaasuqa.
Waxaa uu ku celceliyay in aan la tixgelin doonin arrimo siyaasadeed, kuwo bulsho , qabiil iyo mansab dhaqaale intaba.
Madaxweynaha dalka ayaa intaasi ku daray in waaxda garsoorka ee wadanka la siiyay kheyraad ku filan si loo xoojiyo madax banaanideeda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Kenya ay noqon doonto dal xeerarka dastuuriga ah loo wada hoggaansamo oo aynan cidna sharciga ka sarreyn.
Waxaa uu xusay in baarlamaanka uu yahay mid madax bannaan oo howlihiisa aynan saameyn ku lahayn xisbiyada siyaasadeed.
Madaxweyne William Ruto ayaa dhanka kale dhammaan shaqaalaha dowladda ku boorriyay in shaqooyinka loo igmaday ay uga soo baxaan si ay daacadnimo , daahfurnaan iyo isla xisaabtan ku dheehan tahay.
William Ruto ayaa tilmaamay in shacabka ay madaxdooda ka filayaan habdhaqanka ugu wanaagsan .