Ugu yaraan 23 qof oo lagu dilay Waqooyiga Galbeed ee Pakistan

0
200

In ka badan 23 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Waqooyiga Galbeed ee dalka Pakistan ka dib weerar ay dagaalyahaanno ku qaadeen saldhig booliis.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo gudaha u galay saldhiggaasi oo ay ciidamada militariga ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa u adeegsanayeen xero ahaan.
Militariga Pakistan ayaa laga soo xigtay in kooxdu ay sidoo kale halkaasi rasaas ku furtay sidoo kalena ay adeegsatay qarax is miidaamin ah.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay magaalada Daraban oo qiyaastii 60 kiilomitir u jirta magaalada Dera Ismail Khan.
Gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee ay magaaladan ka tirsan tahay ayaa daris la ah Afghanistan.
Waaxda militariga Pakistan u qaabilsan xiriirka warbaahinta iyo bulshada ee (ISPR) ayaa bayaan ku sheegtay in la dilay 6 qof oo weerarkaasi ka qayb qaatay.
Waxay dhaawacyo soo gaareen ugu yaraan 34 qof oo dheeraad ah oo hadda lagu daaweynaya isbitaal militari oo ku yaalla magaalada Dera Ismail Khan.
Waxaa mas’uuliyadda weerarkan sheegatay kooxda jihaad doonka ah ee Pakistan ee Tehreek-e-Jihad Pakistan ama (TJP).
Waxay intaasi ku dartay in dagaalyahaanadeeda ay bartilmaameedsadeen ciidamada qalabka sida ee wadankaasi.