Xildhibaanno ka tirsan Puntland oo soo dhaweeyay go’aankii lagu laalay muddo kororsigii baarlamaanka

0
175

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo Garoowe shir jaraa’id ku qabtay, ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan muddo kororsiga ay meel mariyeen xildhibaano iyaga ka tirsan.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale soo dhaweeyay go’aankii shalay ka soo baxay maxkamadda dastuuriga ah, taasoo burisay muddo kororsigaas, waxayna sheegeen inuu yahay go’aan sax ah oo kusoo beegmay wakhtigii loo baahnaa.
Waxaa xildhibaannada shirka jaraa’id qabtay oo ka koobnaa in ka badan 10 xildhibaan, ayaa ka sii digay kulan uu saaka gudddoonka baarlamaanku isugu yeeray xildhibaanada, waxayna sheegeen in aan loo baahnayn in carqalad siyaasadeed la galiyo Puntland.
Xidlhibaannada ayaa sheegeen in muddo xileedkoodii uu dhamaaday, sidaas darteedna aysan xaq u lahayn inay sii joogaan xafiiska, waxayna sheegeen iyagoo soddomeeyo ah inay horey u diideen muddo kororsiga.
Si kastaba ha ahaatee, guddoonka baarlamaanka ayaa xalay farriin u soo diray xildhibaannada, isagoo u sheegay in saaka la isugu yimaado kulan degdeg ah, oo aan la sheegin wax looga doodi doono.