IPOA oo baaritaan ku sameynaysa dil lagu eedeyay booliska Kabete

0
563

Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA ayaa billaabay baaritaano ku aaddan dil dhacay oo ciidamada ammaanka ee saldhigga booliska ee Kabete oo ka tirsan ismaamulka Kiambu lala xiriiriyay.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in saraakiisha ay nin ku toogteen xaafadda Mountain View.
IPOA ayaa sheegtay in Nicholas Lifede 8-dii bishan oo khamiis ku beegnayd la dilay.
Maamulkan ayaa bayaan uu soo saaray ku xusay inuu howlgeliyay kooxda u qaabilsan baaritaannada degdegga ah si ay u xaqiijiyaan dhacdadan.
Guddoomiyaha IPOA Anne Makori ayaa intaa ku dartay in baaritaannada ay socdaan iyada oo la wareystay marqaatiyaal sidoo kalena ay ka qayb galeen baaritaan lagu sameeyay meydka Mr. Lifede.
Mrs. Makori ayaa sheegtay in ka dib marka ay baaritaanada dhameyaan ay soo saari doonaan talooyin ku saabsan maxkamadeyn si cidii dambiga lagu cadeeyo loola xisaabtamo.