Maraykanka oo xayiraad saaraya dadka carqaladeynaya amniga Daanta Galbeed

0
157

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa shaacisay inay xayiraad dhanka dal ku galka ah ku soo rogi doonto shakhsiyaadka ama qoysaska Israa’iil ee carqaladeynaya ammaanka, nabadgalyada ama xasiloonida Daanta Galbeed.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday Xoghayaha arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington,Antony Blinken.
Tani ayaa timid hal maalin un ka dib markii Maraykanka uu Israa’iil ku eedeyay inaynan waxba ka qaban weerarro ka dhacay Daanta Galbeed oo halkaasi looga saaray Falastiiniyiin badan.