Puntland oo baaq nabadeed u dirtay maleeshiyaad ku dagaalamay gobolka Sool

0
359

Mas’uuliyiinta Maamul Goboleeddka Soomaaliya ee Puntland ayaa baaq nabadeed ka soo saartay, colaad beeleed ka taagan deegaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan Gobolka Sool.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmad Cilmi Cismaan, (Karaash) ayaa qoraal uu soo saaray ku baaqay in shuruud la’aan lagu joojiyo colaadda ka aloosan deegaanka Dhabar-dalool, islamarkaana labada dhinac ay nabadda ka wada shaqeeyaan.
ku xigeenka madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay, iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan in la daadiyo dhiig qof Muslim ah oo sooman, taas oo ka baxsan diinta suubban ee islaamka sido kalena ay qasab tahay in colaadahaas la Xalliyo.
Isimada iyo Culimada degaanada ay Colaaduhu ka taagan yihiin ee Gobolka Sool ayuu sidoo kale ku boorriyay in loo istaago joojinta colaadda u dhexaysa labada Maleeshiyo beeleed, oo marar kala duwan ka dhacday halkaas.